Bogg 1






Ahuur Jabriil waa gabar Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minisoto ee cariga Maraykanka, waxayna gobolka Minisoto intii ay joogtay ay la-kulantay dhacdo cajiib ah h addaba iyadoo ka hadleysa sidii ay wax ugu dhaceen

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar weyne, waxaan dalka Maraykanka soo galay sanadkii 1997-kii, anigoo halkaasi ka bilaabay waxbarasho iyo shaqo.
Soomaalida joogta wadanka Maraykanka ayaa waxay ku waalan yihiin aroosyadda ka dhaca dalkaasi, anna waxaa kamid ahaa gabdhaha aalaaba ka qeyb gelli jiray xafladaha arooska ah ee ka dhaca dalkaasi, gaar ahaan gobolka Minisoto oo ay ku badan yihiin ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka.
Mar walba oo aan arooska ka qeyb gallo, isla-markaana aan guriga u soo laabto ayaa waxaa ku riyoodaa anigoo leega zineysanaayo, dhacdadaasi aad iyo aad ayaan ula fajacay, waxaana dhacdadaasi isku arkaa marka aan aado aroos.
Habeen walba oo aan aroos ka qeyb gallo, isla-markaan aan guriga u soo laabto ayaa waxaa caado ii noqotay inaan ku riyoodo, aniga oo la ii galmoonaayo, xaqiiqdii aad baan ula fajacay.
In ka badan 20 jeer markaan isku arkay dhacdadaasi foosha xun, ayaa waxaa u tagay Macalin dugsi Qur’aan dhiga, waxaana u sheegay dhibka i heysta, xaqiiqdii Macalinka oo ahaa nin Caqli badan, isla-markaana wax garadka ah, ayaa inta uusan wax jawaab ah i siinin i weydiiyay, marka aan arooska aadaayo waxa aan sameeyo, waxaana u sheegay caadiyan inaan qaato dhar wanaagsan, sidoo kalana aan marsado noocyada ugu carafta badan ee barafuunka ama cadarka, isla-markaana waxaa dalka Maraykanka caado ka ah, aroos kasta in lagu aado dhar cusub.

No comments:

Post a Comment