QISO CAJIIB AH

Nin ka mid ah Raggii ugu Caansanaa Mad-habta Katholica, oo Faafinjiray Diinta Christianka, si weyna loo yaqaan, Dhalashadiisuna tahay British, ayaa Islaamka qaatay.
Waxaana sabab u ahaa inuu Diinta Islaamka soo Galo, Wiil yar oo Muslim ah, wuxuuna Wiilkan yar ku Bartey Goob Ramsiis la yiraahdo oo ku taala Dalka Masar, Magaalada Qaahira mar uu Booqasho ku tagey.
Ninkaan Wuxuu Hadalkiisa ku bilaabay:- Wiilkan yar ayaa Sabab ii ahaa inaan Diinta Islaamka Barto, oo aan soo Galo. Waloow uusan Maqlin inaan Muslim noqdey, balse Ilaaheey ayaa Maalinta Qiyaame ka Abaal marin doona. Tan iyo markaan Bartay Wiilkaas yar oo Kabaha ii Masaxi jirey, intii aan joogay Magaalada Qaahira waxaan Dareemay Wanaagga uu Islaamku leeyahay iyo Nimcada, waloow uu ahaa Baalashle hadana goor walbaa waxaa uu igu Dhihi jirey Al Xamdulilaah iyo Assalaamu Caleykum. waxaan Ogaadey Diinta Islaamku iney tahay Xaqiiqdii mid ka Fog Borobagandada ay Reer Galbeedku ku hayaan Diinta Islaamka iyo Dacaayadaha Bareerka ah.
Haddaba, Markuu Muslimay wuxuu Doortey inuu la baxo Magaca ah (Idris Towfiiq) wuxuuna Qorey Buugga la yiraahdo (Ask about Islam), Hooyadiis waa Islaan Waayeel ah, waxay Tagtaa Kaniisadda maalmaha Axada, wuxuu yiri:- Subax walba oo Axad ah markey Tageyso Kaniisada waxaan siiyaa oo Gacanta ka saaraa Buugga (Ask About Islam) wax Dhibaato ahna kalama aan Kulmin Familygayga markaan Diinta Islmaaka soo galay, Allaahna Had iyo Jeer waan u Baryaa Familygayga in ilaaheey soo Hanuuniyo, Dariiqa Xaqqa ahna uu u Ifiyo.

No comments:

Post a Comment