sheekadan










Sheekadan waxaa noo soo diray mid ka mid akhristayaasha ku taxan bogga Midnim.com.
Waxaa la yiri. Waabaa waxaa jiri jiray nin kalluumeysto ah, oo noloshsa qoyskiisa ku dabbara kalluunka uu badda ka soo jillaabto. Qoyskisuna waxa uu ka koobana isaga iyo xaaskiisaa iyo gabar ay isu dhaleen.
Maalin ayaa waxaa shabaagtiisa usoo galay mallaay dheddig ah oo aad u qurux badan oo hil-hillaaceysa. Markii uu soo qabtay ayay la hadashay. Waxay ku tiri ; ninyahow waxaan kaa codsanayaa in aad badda igu celisid, maxaa yeelay ilmo yar ayaan badda uga soo tagtay oo iga dhimanaya. Haddii aad maanta I deysid waan kuu duceynayaa adiga iyo xaaskaaga iyo gabadhaadanba in ilaahey faqriga idinka saaro.
Waxay intaas ku dartay “qof kasta oo saddexdiina ka mid ah ilaahey haka baryo hal arrin, waana heleysaan ilaahey idankii”. Ninkii kalluumeystaha ahaa wuu aqbalay codsigii mallaaygii dheddiga ahaydna badda ayuu ku celiyay, dababdeedna gurigiisi ayuu ku laabtay isaga oo faraxsan, sheekadiina wuxuu u sheegay xaaskiisa iyo gabadhiisa.
Xaaskiisa ayaa soo boodday markiiba oo tiri, “Ilaahow iga dhig naagta ugu quruxda badan adduunka”. Durbadiiba islaantii dac-darreysneed waxay isu baddashay xuural-ceyn aan indhaha loo dhameystiri Karin.
Maalmo markii la joogay oo sheekadoodii la maqlay, ayaa waxaa arrintti ka war helay askarta boqorka u soo ururiya gabdhah quruxda badan. Waa lala booday oo boqrkii ayaa loo geeyay. Waxaa arrintii maqlay ninkii qabay naagta oo kalluumeystaha ahaa, markaas ayuu isagana ku duceystay ilaahow naagteyda heblo ah ka dhig naagta ugu fool xun adduunka.
Boqorkii markii uu wajigeeda maradii ka feyday ayaa waxaa ka soo baxay naag madax daanyeer leh markasuu inta naxay ku yiri askartiissi “ iga dhaqaajiya daanyeerkan meesha naagi ma joogtee.
Naagtii gurigeeda ayaa lugu soo celiyay, iyadoo madluunsan oo lugha jiideysa, ninkeedi markuu arkay ayuu ku yiri ” ha kugu taagnaato adaa doontaye”
Gabadhii oo hooyadeed u naxday ayaa ducadeedi ku tiri “Ilaahow hooyadeey sideedii hore ku soo celi, markiiba sideeddii ayay ku soo noqotay.
Saddexda duco ee la siiyay ninka kallumeystaha ah iyo xaaskiisa mid kastaba waxuu uga faaiideystay danihiisa khaaska ah oo mushkilo u horseeday. Islaantu waxay ka fikirtay quruxdeeda, ninkuna waxuu ka fikiray inuu ka aargoosto oo boqorku soo noco, waxay ku bad baadeen ducadii gabadha oo reerka sidoodii hore u celisay.
Haddii ay inta isku yimaaddin tashan lahaayeen oo saddex waxyaabood oo kala nuuc ah ku duceysan lahaayeen waxay heli lahaayeen barwaaqo fara badan oo ku noolaadaan.
Qoyskan waxy meelo badan isaga eg yihiin Somalida, oo mid walba uu raadinayo dantiisa gaarka ah, taas oo aakhirka keentay in danihii oo dhan ay na seegaan.
Waaya aragnimada laga dhaxaly waxay leedahay haddii qof walba danttiisa kaliya ka fikro , hal dan oo la gaarayo ma jirto waa jug jug meeshada joog.

No comments:

Post a Comment