Friday 9 January 2015

sheeko xikmad

QISO XIKMAD BADAN: wiil yar iyo wadaad caalim ahaa     waxaa jirey wiil dhalinyaro ah oo sheydaan was-waasiyey kuna jahwareerey seddex su'aal oo uu jawaab u waayey wiilka, wuxuuna go'aansadey inuu raadsado wadaad caalim ah si uu u helo jawaabta su'aalahaas asagoo horey u weydiiyey dad jaamiciyiin ah una awoodi waayeen iney siiyaan jawaab waafi ah.
 wiilkii ayaa wadaadka u yimid sheekadoodiina sidaan ayeey aheyd:- wiilka:- shiikhow waxaan rabaa inaad iiga jawaabtid seddex su'aal oo madaxa iga wareerisey ? Shiikhii:- i weydii waxaan isku dayi doonaa inaan kaaga jawaabo insha allah, wiilkii:- shiikhow..
           1-ILLAAHAY ma jiraa? haduuse jiro i tus ILLAAHAY ?
            2-Qadarta ma jirtaa?
3- Sheydaanka naar ayaa laga abuurey ILAAHAYNA waxuu noo sheegey inuu naar galaayo, marka sidee wax dab ka sameysan uu wax uga tari karaa dab kalle ?  in dab haddii lagu daro dab waxba iskama qaadaayaane??!!!.

shiikhii ayaa la yaabey wiilka su'aalahiisa, intuu fikirey ayuu dharbaax xoog badan ku dhuftey. wiilkii ayaa yiri: -"shiikhow waxbaan ku weydiiyey ee maxaad ii dishey oo u xanaaqdey". markaas buu shiikhii ku jawaabey:- "ma aanan xanaaqine ee dharbaaxshada aan kugu dhuftey waxey jawaab u tahey seddexdaadii su'aalood oo dhan !!" wiilkii oo yaaban baa yiri;-"shiikow kuma fahmine ii faahfaahi ?

JAWAABTII KOWAAD: shiikii yaa yiri: "dharbaaxadan markaan kugu dhuftey maxaad dareentey?.
 wiilkii baa yiri:- "aad baan u xanuunsadey?.
shiikhii baa ku jawaabey:- "xanuunka aad dareentey i tus siduu u egyahey?.
 " wiilkii baa yiri ;-"shiikhow xanuunka waa la dareemaa mooyee lama arko ".
 shiikhii baa yiri "jawaabtii koowaad waa taas ee ILAAHEY lama arkee waa la dareemaa."
JAWAABTII LABAAD:- shiikhii yaa yiri:- "Xaley miyaad ku riyootey anigoo ku dharbaaxaayo?.
 wiilkii:- "maya waligeeyna kuma riyoon midaas".
 shiikhii:- "hadaba qadarta waa taas oo way dhacdaa, qadar kuu qoran bey aheyd inaan ku dharbaaxo !!".

No comments:

Post a Comment